Qurba-joogta Somaliland ee ku Nool Waqooyiga Ameerika oo Isu-soo Bax ka Dhigay Afaafka Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo shacabka Somaliland ee ku nool Waqooyiga Ameerika ayaa Arbacadii isu-soo bax ku qabtay afaafka hore ee xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Isu-soo-baxa ayaa lagu muujiyay taageerada loo hayo qaddiyadda Somaliland, iyadoo ka qaybgalayaashu ay soo bandhigeen farriimo la xidhiidha rabitaanka siyaasadeed ee shacabka Somaliland iyo doonista aqoonsi caalami ah.

Dadka isu-soo baxay ayaa sheegay in qaddiyadda Somaliland ay tahay arrin ay bulshada Somaliland muddo dheer ka shaqaynaysay, iyaga oo tilmaamay nabadda, xasilloonida, hay’adaha dawliga ah iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland dhisatay.

Sidoo kale, isu-soo-baxayaasha ayaa farriin u diray bulshada caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay, iyaga oo ugu baaqay in la dhegaysto aragtida shacabka Somaliland iyo doodaha ay ka qabaan mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland.

Munaasabadda ayaa ka dhacday xilli madaxda iyo wufuudda dalalka caalamku ay New York u joogaan ka qaybgalka kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, taas oo ka dhigtay magaalada goob ay ka socdaan kulamo iyo hawlo diblomaasiyadeed oo kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiinta kale ee Somaliland ayaa qayb ka ahaa dadka ka qaybgalay isu-soo-baxa, halka shacabka Somaliland ee Waqooyiga Ameerikana ay halkaas ku muujinayeen aragtidooda ku aaddan qaddiyadda Somaliland.

Isu-soo-baxa New York ayaa qayb ka ah hawlaha iyo kulamada ay masuuliyiinta Somaliland iyo taageerayaasheedu ka wadaan Maraykanka, xilli Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo ay kulamo kala duwan la yeesheen masuuliyiin Maraykan ah iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker