Barlamanka Somaliland oo Bayaan ay ku Taageerayan dedaallada diblomaasiyadeed ee Xukumadda
Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray qaraar ay ku taageerayaan dedaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ugu jirto sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah.
Qaraarkan oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa si faahfaahsan loogu xusay taariikhda, nidaamka dastuuriga ah, dimuqraadiyadda iyo kaalinta Somaliland kaga jirto amniga gobolka.
Qaraarka ayaa tilmaamaya in Somaliland ay leedahay astaamaha lagu qeexo dawladnimada, ee ku xusan Axdiga Montevideo ee soo baxay sannadkii 1933, kaas oo waajibinaya in dal leeyahay dad, dhul qeexan, dawlad si wax-ku-ool ah u shaqaysa iyo awood ay xidhiidh kula yeelan karto dawladaha kale.
Qaraarka ayaa si gaar ah u xusay in tan iyo markii Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda sannadkii 1991, ay qabatay doorashooyin madaxtooyo, baarlamaan iyo kuwo goleyaal deegaan, iyadoo marar kala duwan muujisay sida ay uga go’an tahay inay sii waddo nidaamka dawladnimo ee matalaadda shacabka ku dhisan, hannaanka xisbiyada badan iyo xil-wareejinta nabadeed xukunka la isugu wareejiyo.
Dhanka amniga, Baarlamaanka Somaliland waxa uu qaraarka ku sheegay in Somaliland ay ka qaybqaadatay nabadda iyo amniga caalamka, gaar ahaan hawlgallada la xidhiidha la-dagaallanka budhcad-badeedda iyo dambiyada abaabulan ee ka dhaca xeebaha.
Qaraarku waxa kale oo uu tilmaamay iskaashiga muddada dheer ee Somaliland la leedahay ciidamada caalamiga ah ee ka hawlgala Gacanka Cadmeed, iyo kaalinteeda ku aaddan sugidda marin-biyood muhiim u ah maraakiibta caalamiga ah, iyadoo la xusay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee goobta ay Somaliland kaga taallo gobolka.
Baarlamaanka ayaa caddeeyey in Somaliland ay sii wadi doonto raadinta aqoonsiga caalamiga ah iyadoo adeegsanaysa diblomaasiyad nabadeed, ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo xidhiidh wax-ku-ool ah oo ay la yeelanayso dawladaha iyo shucuubta kale.
Sidoo kale, Baarlamaanku waxa uu bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa ku sugan dalka Maraykanka isaga oo ku tilmaamay dedaalkooda mid Somaliland ugu soo bandhigaya bulshada caalamka dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, xasilloonida, nidaamka dastuuriga ah, doorashooyinka iyo kaalinta ay ku leedahay amniga gobolka.
Qaraarku waxa uu ugu baaqayaa Golaha Guud iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay Somaliland u oggolaadaan xubinimada Qaramada Midoobay, iyadoo lagu salaynayo Qodobka 4-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo doodda ah in Somaliland buuxisay shuruudaha dawladnimo, isla markaana ay muujisay awoodda iyo rabitaanka ay ku fulin karto waajibaadka ka dhalanaya xubinnimada Qaramada Midoobay.
Waxa kale oo qaraarku ugu baaqayaa Maraykanka iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah inay sii xoojiyaan xidhiidhka tooska ah ee diblomaasiyadeed, dhaqaale, amni, horumarineed iyo baarlamaan ee ay la leeyihiin Somaliland, iyada oo la tixgelinayo awoodda hay’adaha Somaliland iyo kaalinteeda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Baarlamaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay dawladaha, ururrada goboleed iyo hay’adaha caalamiga ah inay Somaliland ku qiimeeyaan taariikhdeeda gaarka ah, xuduudaheedii hore, duruufaha sharciyeed, waxqabadkeeda dimuqraadiyadeed iyo sida ay muddada dheer u tahay dal isu-maamulla si masuuliyadi ku jirto.
Qaraarku waxa uu bogaadiyey xubnaha qurba-joogta Somaliland iyo dadka taageera qaddiyadda Somaliland ee 23-kii Sebtembar 2026 isugu yimid bannaanka xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, iyagoo muujiyey sida ay halganka aqoonsi raadinta Somaliland u garab joogaan.
Sidoo kale, Baarlamaanku waxa uu ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Somaliland, xisbiyada siyaasadeed, hay’adaha dastuuriga ah, madaxda dhaqanka, ururrada bulshada rayidka ah iyo jaaliyadaha Somaliland ee dibadda inay ilaaliyaan midnimada qarankooda isla markaana gudbiyaan farriin ka marag kacaysa dedaalka Somaliland ugu jirto aqoonsi caalami ah.
Qaraarkan waxaa ku saxeexan Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, Ku-simaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Siciid Mirre Faarax iyo labada Xoghaye guud ee Golleyaasha Guurtida iyo Wakiillada.




