Maxkamadda caalamiga ee ICC oo dembi ku heshay Maxamed Saciid Cabdiqani

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa ku heshay dambi hoggaamiye hore oo ka tirsanaa maleeshiyooyinka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, kaas oo lagu helay dambiyo ka dhan ah aadanaha, oo ay ka mid yihiin jirdil iyo xabsi aan sharci ahayn, xilligii dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka dhacay sannadkii 2013.

Maxameed Saciid Cabdiqani.wuxuu ahaa taliyaha sare ee kooxda fallaagada Seleka, oo u badan Muslimiin, taas oo xukunka ka tuurtay madaxweynihii dalkaas François Bozizé, arrintaasna waxay dalka gelisay colaad dhiig badan ku daatay oo u dhexeysay kooxo diimeed.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen inuu maamulayay xabsiga aadka looga cabsan jiray, halkaas oo dadka looga shakiyay inay taageersanaayeen madaxweynihii xilka laga tuuray lagu garaaci jiray, sidoo kalena loo diidi jiray cunto iyo biyo.

Saciid ayaa diiday dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker