๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ฐ ๐๐จ๐ซ๐ค ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฌ๐ซ๐๐โ๐ข๐ข๐ฅ ๐ฎ ๐๐๐๐ก๐ข๐ฒ๐ ๐๐๐ซ๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ข๐๐จ๐จ๐๐๐ฒ
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada New York kulan muhiim ah oo taariikhi ah kula yeeshay Danjiraha Dalka Israaโiil u fadhiya Qaramada Midoobay, Mudane Ambassador Danny Danon, xilli Madaxweynaha JSL iyo weftiga uu hoggaaminayo ay safar shaqo ku joogaan New York, iyaga oo halkaas ka wada kulammo iyo dedaallo diblomaasiyadeed oo ku xeeran Kalfadhiga 81aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Kulanka Madaxweynaha iyo Danjiraha Israaโiil waxa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka istiraatijiga ah ee Somaliland iyo Israaโiil, horumarinta iskaashiga labada dhinac
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa Dawladda iyo Shacabka reer Israaโiil si mug leh uga mahadnaqay tallaabadii geesinnimada iyo ku-dhaca lahayd ee Dawladda Israaโiil ay si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsatay dal madax-bannaan 26-kii Disembar, 2025-kii.
Madaxweynuhu waxa uu adkeeyey muhiimadda ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay xidhiidhka cusub ee ay la leedahay Dawladda Israaโiil, isaga oo xusay in aqoonsigii ay Israaโiil siisay Jamhuuriyadda Somaliland uu noqday bog cusub oo taariikhi ah oo ka furmay geeddi-socodka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhankiisa, Danjiraha Dawladda Israaโiil ee Qaramada Midoobay, Mudane Ambassador Danny Danon, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay la kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada New York, isaga oo xaqiijiyey in Dawladda Israaโiil ay aad u qiimaynayso xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya labada dal, isla markaana ay ka goโan tahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada danaha guud, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida gobolka, ilaalinta xorriyadda maraakiibta iyo ganacsiga badda, horumarinta dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, biyaha, beeraha iyo maalgashiga.




