Reuters: Sacuudiga oo dib u bilaabay shaqada dhuumaha shidaalka ee “East-West”

Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah, ayaa sheegtay in Sacuudiga uu dib u bilaabay shaqada dhuumaha shidaalka ee “East-West”, isla markaana laga yaabo in maanta oo Talaado ah dib loo bilaabo dhoofinta shidaalka ee dekedda Yanbu ee ku taalla Badda Cas.

Weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa 13-kii September sababay in Sacuudiga uu joojiyo gudbinta shidaalka ee dhuumaha “East-West”. Waxaa sidoo kale la sheegay in markii dambe la hakiyay dhoofinta shidaalka ceyriin ee dekedda Yanbu.

Sacuudiga ayaa shidaalka dhuumahaas ku gaarsiin kara dekedda Yanbu, taas oo u saamaxaysa inuu dhoofiyo shidaalka isaga oo aan marin Marinka Hormuz.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker