Marco Rubio oo sheegay inuu diyaar u yahay kulan uu la yeesho mas’uuliyiinta Iiraan

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo mas’uuliyiin Iiraaniyiin ah, inta lagu guda jiro shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York.

Rubio ayaa yiri: “Ma filayo in hadda wax kulan ah la qorsheeyay, laakiin waxaan diyaar u nahay kulan noocaas ah, gaar ahaan haddii ay jirto fursad uu kulan wanaagsan ku dhammaan karo, isla markaana ugu dambayn lagu gaari karo ujeeddada ugu weyn.”

Wuxuu sheegay in ujeeddada uu ka hadlayo ay tahay in Iiraan aysan waligeed yeelan hub nukliyeer ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araqchi, ayaa tan iyo Isniintii ku sugnaa magaalada New York, halka Mas’uul kale oo Iiraani ah, Massoud Mekhsani, uu isna u safray magaalada si uu uga qayb galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Laba maalmood ka hor, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Fox News u sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweynaha Iiraan Mas’uud Pezeshkian.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker