Puntland oo Galmudug ku wareejisay ciidamadii iyo gaadiidkii lagu qabtay Gaalkacyo

Puntland ayaa maamulka Galmudug ku wareejisay ciidamo iyo gaadiidkii ay saaka ku qabatay magaalada Gaalkacyo, kaddib wada-hadallo dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

Labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, ayaa ka wada hadlay xaaladda amniga gobolka Mudug iyo gaadiidkii ay Puntland gacanta ku dhigtay, waxaana waa hadalkaas ka soo baxay is-afgarad suurto galiyay in ciidamada lagu wareejiyo Galmudug.

Galmudug waxay caddaysay in ciidamadan ay ahayeen dhalinyaro loo qoray inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ay ku wajahnayeen xero ciidan oo ku taala gobolka Galgaduud, balse uu dhacay in si ogaal la’aan ah ay ugu gudbeen dhinaca Waqooyiga Gaalkacyo.

Sida aan xogta ku helnay madaxtooyada Puntland ayaa ku amartay laamaha amniga gobolka Mudug in ay ciidamada iyo qalabkooda ku wareejiyaan maamulka Galmudug, kaddib markii uu dhamaaday wada xaajood u dhaxeeyay labada dhinac.

Wasiir ku xigeenka caddaaladda Galmudug, Maxamuud Guure Guuleed ayaa sheegay in ciidamadan ay u badnaayeen dhalinyaro laga qoray deegaannada Galmudug, kuwaas oo lagu diyaariyay gudaha maamulka, loona waday Xananbuure.

Inkastoo Puntland iyo Dowladda Federaalka uu ka dhaxeeyo khilaaf adag, haddana Puntland iyo Galmudug waxay leeyihiin xiriir wada shaqaynayd oo dhinaca amniga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker