Duufaanta Dujan ee Japan ayaa ku qasabtay dad ka badan 1.9 milyan in ay ka baxaan guryahooda

Duufaan xooggan oo ku dhufatay xeebaha bari ee Japan ayaa keentay roobab mahiigaan ah iyo burbur.

Booliiska ayaa ku booriyay in ka badan 1.9 milyan iyo bar oo qof oo ku nool Tokyo iyo deegaannada ku xeeran, kuwaas oo halis ugu jira duufaanta, in ay ka guuraan guryahooda. Sidoo kale 50,000 dad gaaraya ayey korontada ka go’day.

Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ka digeen dhul-go’, iyadoo magaalada Oshima la galiyay heerka ugu sarreeya ee digniinta noocaas ah.

In ka badan 300 oo millimitir oo roob ah ayaa halkaas ka da’ay tan iyo Sabtigii. Dabaylaha ka dhashay Duufaanta Dujuan ayaa sababtay koronto la’aan ku timid kumannaan qof ah.

Boqolaal duulimaad ayaa la baajiyay, halka qaar ka mid ah adeegyada tareennadana la hakiyay.

Munaasabado waaweyn oo ay ka mid yihiin Ciyaaraha Aasiya iyo Bandhigga ciyaaraha Tokyo ayaa sidoo kale dib loo dhigay. Raysalwasaaraha Japan, Sanae Takaishi, ayaa dib u dhigtay safarkeedii Mareykanka ee ay kaga qayb geli lahayd Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker