Maraykanka askar ka badan intii ay qirteen ayaa ugu dhimatay dagaalka Iran – Washington Post

Wargeyska The Washington Post ayaa Jimcihii soo weriyay in laga yaabo inay dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ahaa Iran ay ku dhinteen askar Mareykan ah oo ka badan tirada ay si rasmi ah u shaacisay Wasaaradda Difaaca Mareykanka.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa beeniyay warbixintaas. Wargeyskan, oo soo xiganaya shan sarkaal oo aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay inay dhinteen ugu yaraan 22 askari oo Mareykan ah; tiradaas oo afar askari badan tii ku xusnayd xogta ay hayso Wasaaradda Difaaca (Pentagon-ka) ee dadweynuhu ay heli karaan.

Warbixin ka soo baxday Pentagon-ka ayaa sheegaysa in 18 askari ay dhinteen intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran. Hegseth ayaa farriin uu soo dhigay bar-kulanka X ku tilmaamay warbixintaas mid “been ah.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker