Koonfurta Kuuriya oo cambaareysay gantaal riddo dheer oo ay tijaabiysay Wuqooyiga Kuuriya

Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta riday gantaal riddo dheer ah, waana tijaabadii labaad muddo ku dhow toddobaad, ka dib markii Pyongyang ay ku eedeysay Mareykanka inay kordhineyso xiisadda ka taagan Jasiiradda Kuuriya iyada oo adeegsaneysa dhoolatus militari oo taxane ah.

Taliska Guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inay ogaadeen gantaalka laga soo riday aagga Wonsan abbaare 3:00 galabnimo waqtiga maxalliga ah, waxayna go’aamiyeen inuu yahay gantaal riddo dheer ah.

Wasaaradda Difaaca Japan ayaa sidoo kale sheegtay in gantaalka uu u muuqdo mid riddo dheer.

Golaha Amniga Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa cambaareeyay gantaalka riddo dheer, ka dib markii tijaabo kale la sameeyay bishan Sebtembar 12.

Golaha ayaa ugu baaqay Kuuriyada Waqooyi inay si degdeg ah u joojiso dhaqdhaqaaqyada gantaalada, iyagoo ka digaya in tijaabada ay si toos ah uga hor imaaneyso qaraarada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Shalay, Kuuriyada Waqooyi ayaa ka soo horjeesatay qaraar ay soo saartay hay’adda ilaalinta nukliyeerka ee Qaramada Midoobay oo ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka.

Toddobaadkii hore, Pyongyang waxay sidoo kale cambaareysay dhoolatuska ciidamada badda ee uu Mareykanku hoggaaminayo ee ku lug lahaa Kuuriyada Koonfureed iyo Japan kaas oo ka dhacay meel u dhow Guam laga bilaabo Agoosto 29 ilaa Sebtembar 10.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker