Iiraan oo toogasho ku fulisay nin ‘lagu xumay in uu ahaa basaas Israa’iil’

Hay’adda garsoorka ee Iran ayaa ku dhawaaqday inay toogatay muwaadin u dhashay dalkaasi, kaas oo lagu xukumay dil ka dib markii lagu helay eedeymo la xiriira basaasnimo uu u sameynayay Israa’iil.

Wakaaladda Wararka Mizan, oo hoos tagta hay’adda garsoorka, ayaa sheegtay in shakhsigaas magaciisa la oran jiray Hossein Pedran, isla markaana uu “hay’adda Mossad siiyay xog ku saabsan goobo milatari oo xasaasi ah oo ku yaalla gobolka Isfahan.”

Mizan waxay tiri: “Iyadoo la eegayo qalab laga helay Hossein Pedran iyo qirashadiisa, waxaa la soo saaray eedeymo ay ka mid yihiin basaasnimo iyo la-shaqeyn sirdoon oo loo sameynayay maamulka Siiyooniistaha (Israel), billaabidda iskaashi sirdoon oo lala sameynayay dowladda Mareykanka ee cadowga ah — iyadoo la gudbiyay codsi iskaashi iyo rabitaan lagu muujinayay in loo shaqeeyo hay’adda sirdoonka Mareykanka — iyo eedeymo kale oo dhowr ah.”

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Wakaaladda Wararka ee Mizan, xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Hossein Pedran ayaa la fuliyay ka dib markii ay ansixisay Maxkamadda Sare.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker