Dadka reer Koonfur Kuuriya oo ka banaanbaxay dalabka Trump ee ah in askar wadan kooda ah loo diro marinka Hormuz

Kooxo ka tirsan bulshada rayidka ah ee Koonfurta Kuuriya ayaa maanta isugu soo baxay meel u dhow safaaradda Mareykanka ee Seoul, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah cadaadiska uu Donald Trump ku hayo dowladda dalkaas si ay ciidamo ugu dirto marin-biyoodka Hormuz.

Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya, Lee Jae-myung, ayaa horay u sheegay in dalkiisu uusan diri doonin ciidamo horseedi kara dagaal.

“Ma jiri doonto wax ka qaybqaadasho ama faragelin ku saabsan dagaalka,” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu shalay qabtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker