Maraykanka oo jawaab ka bixiyey warbixin eedeyn culus loogu jeediyey

Wasaaradda rrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inaysan wax kalsooni ah ku qabin warbixin Qaramada Midoobay soo saartay oo ku eedaynaysa in ciidamada Maraykanku ay dambiyo dagaal galeen marxaladihii hore ee dagaalka ay kula jiraan Iran.

Guddiga xaqiiqo-raadin ah ayaa sheegay in duqeymo gantaallo ah oo dhimasho sababay, kuwaas oo lagu qaaday dugsi ku yaalla Minab iyo xarun isboorti oo ku taalla Lamerd, ay ahaayeen weerarro aan kala sooc lahayn, kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo burbur loo geystay kaabayaasha rayidka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku adkaysatay in ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay mudnaanta ugu weyn ee Washington, balse ma aysan ka hadlin nuxurka ama faahfaahinta natiijooyinka warbixinta.

Maraykanku hore ayuu u beeniyay inuu duqeeyay Lamerd, wuxuuna sheegay inuu baarayo waxa ka dhacay Minab.

Warbixintu waxay sidoo kale ku eedaysay mas’uuliyiinta Iran inay galeen dambiyo ka dhan ah aadanaha, oo ay caburinayeen dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee dhacay bishii Janaayo.

Washington ayaa hore u sheegtay in hawlgalladeeda ay u fuliso si waafaqsan shuruucda khuseeya colaadaha hubaysan. Tehran-na waxay beenisay inay ku kacday xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker