Madaxweynaha Koonfur Afrika oo tallaaabo qaaday ka dib dilal naxdin leh oo dhacay
Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa dhisay koox gaar ah oo gacan ka geysanaysa baaritaanka dilal isdaba-joog ah oo dhawaan dhacay.
Meydadka sagaal haween ah ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay laga helay bariga Johannesburg.
Booliisku waxay xaqiijiyeen inay jiraan waxyaabo ay isku mid yihiin oo laga dhex arkay qaar ka mid ah dhimashooyinka, balse waxay sheegeen in ay weli tahay goor hore in wax gunaanad ah laga gaaro, iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo in dilalka ay ka dambeeyaan gacan-ku-dhiigle dila dad isdaba-joog ah (serial killer).
Dilalkan ayaa sababay cabsi iyo walaac baahsan. Haweenka waxaa lagu boorriyay inay ka fogaadaan meelaha cidla ah, isla markaana ay koox-koox u socdaan mar kasta oo ay suurtagal tahay.
Koonfur Afrika waxay ka mid tahay dalalka dunida ee leh heerarka ugu sarreeya ee rabshadaha ku salaysan jinsiga (gender-based violence). Dacwadaha noocan ah ee lagu guuleysto in eedaysanayaasha lagu soo oogo dacwad waa yar yihiin, halka maxkamadeyntuna ay marar badan qaadato sannado.




