Raysal Wasaaraha Kanada oo si adag uga jawaabay hanjabaad uu jeediyey Trump
Ra’iisul Wasaaraha Kanada Carney ayaa mar kale wax laga weydiiyay hanjabaaddii ugu dambeysay ee Trump ee ku saabsan canshuuraha.
Carney aya yiri “Qofna ma go’aamin doono cidda aan heshiisyo caalami ah la geli karno,”
“Isbahaysigan waa hannaan wanaagsan, taasina waa jawaabtayda aan siinayo madaxweynaha Mareykanka,” ayuu yiri.
Ra’iisul wasaaraha Kanada ayaa intaas ku daray: “Kanada oo xooggan, adkaysi badan, isla markaana leh madax-bannaani dheeraad ah waxay noqon lahayd saaxiib iyo la howlgale wax-ku-ool ah uleh Mareykanka , sidaas oo kale ayay ahaan lahayd Midowga Yurub.”
Hannaankan, ayuu yiri, wuxuu “xoojin lahaa” madax-bannaanida Kanada iyo Mareykanka labadaba.
“Kanadiyaanku way isku raacsan yihiin in qofna uusan noo sheegi doonin luqadda aan ku hadalno, qofna uusan go’aamin doonin dhaqankeenna, ama cidda aan heshiisyo caalami ah la geli karno,” ayuu yiri.




