Qaramada Midoobay oo soo saartay digniin culus

Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa hoos-u-dhac weyn oo ku yimid xaddiga biyaha macaan ee ku kaydsan oogada dhulka.

Sida lagu sheegay warbixin la soo saaray Khamiista maanta , webiyada iyo harooyinka ayaa sii qallalaya, halka barafka waaweyn ee buuraha glaciers ay dib u gurayaan.

Warbixinta sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan kheyraadka biyaha ayaa sidoo kale tilmaamaysa in cimilada sii qasmaaysa ee ka dhalatay isbeddelka cimiladu ay keeni karto daadad iyo abaaro labadaba.

Waxay warbixintu sheegaysaa in saameyntu si gaar ah ugu adkaan doonto Aasiya iyo Afrika, halkaas oo 80 boqolkiiba masiibooyinka la xiriira biyaha ay ka dhaceen sannadihii u dambeeyay.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale sheegtay in kulaylka El NiƱo ee sanadkan ka jira badaha adduunka uu keeni doono dhibaatooyin dheeraad ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker