Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Wakiillada Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maalintii labaad ee kulamadiisa Capitol Hill ee magaalada Washington, D.C., kulamo gaar gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Maraykanka, Brian Mast, iyo Senator Mike Rounds oo ka tirsan Aqalka Senate-ka.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland, kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka, amniga badda, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, iyo sidoo kale ganacsiga, maalgashiga iyo fursadaha iskaashi dhaqaale.

Kulamadan ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday dadaallada sharci-dejinta ee hore ee Kongareeska Maraykanka ee la xidhiidha Somaliland. Sannadkii 2022, Senator James Risch ayaa Golaha Senate-ka u gudbiyey hindisaha Somaliland Partnership Act (S. 3861), kaas oo Mike Rounds uu ka mid ahaa xubnihii taageeray hindisaha.

Dhanka kale, Brian Mast ayaa 11-kii September 2025 Golaha Wakiillada u gudbiyey H.R. 5300, Department of State Policy Provisions Act, oo ah hindise sharciyeed la xidhiidha siyaasadda arrimaha dibadda iyo maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

War-saxaafadeedka Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu kulamada kaga hadlay muhiimadda juqraafiyeed iyo istiraatiijiyadeed ee Somaliland, isaga oo tilmaamay doorka ay goobta ay Somaliland ku taallo ku leedahay marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale, sida lagu sheegay warbixinta, ka hadlay muhiimadda iskaashi dhinacyada amniga, ilaalinta isu-socodka ganacsiga caalamiga ah iyo horumarinta xidhiidhada dhaqaale ee Somaliland iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa kulamada ku soo bandhigay qiyamka ay Somaliland sheegtay inay wadaagaan Maraykanka, oo ay ka mid yihiin xorriyadda, dimuqraadiyadda, amniga, xasilloonida iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashadu qayb ka tahay dadaallada Somaliland ay ku doonayso inay xidhiidho iyo wada-shaqayn dheeraad ah la yeelato dhinacyada siyaasadda iyo sharci-dejinta Maraykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker