Congress-ka Mareykanka oo la horgeeyey hindise-sharciyeed la xidhiidha in Muwaadiniinta Mareykanku maalgashadaan Jamhuuriyadda Somaliland
Congress-ka Mareykanka oo la horgeeyey hindise-sharciyeed la xidhiidha in Muwaadiniinta Mareykanku maalgashadaan Jamhuuriyadda Somaliland
Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka ayaa Congress-ka horgeeyey hindise-sharciyeed cusub oo diiradda saaraya horumarinta fursadaha safarka iyo maalgashiga muwaadiniinta iyo ganacsiyada Mareykanka ee Somaliland.
Hindise-sharciyeedkan oo tirsigiisu yahay H.R. 10461 oo lagu baahiyey Shabakadda Internet-ka Golaha Congress-ka ayaa la soo bandhigay 16-kii Septembar 2026, waxaana cinwaankiisa rasmiga ah lagu qeexay: “In la horumariyo awoodda muwaadiniinta iyo ganacsiyada Mareykanka si ay ugu safraan Somaliland, uguna maalgashadaan gudaha Somaliland.”
Hindisaha waxaa soo gudbiyey Xildhibaan Christopher H. Smith oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, lagana Soo doorto New Jersey.
hindisahan ayaa loo gudbiyey Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Mareykanka (House Committee on Foreign Affairs), halkaas oo lagu sii ambaqaadi doono hannaanka sharci-dejinta




