𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃.𝐂. 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐭𝐥𝐚𝐧𝐭𝐢𝐜 𝐂𝐨𝐮𝐧𝐜𝐢𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐟𝐨𝐫 𝐃𝐞𝐟𝐞𝐧𝐬𝐞 𝐨𝐟 𝐃𝐞𝐦𝐨𝐜𝐫𝐚𝐜𝐢𝐞𝐬 (𝐅𝐃𝐃)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Washington, D.C. kulan kula yeeshay khubaro iyo masuuliyiin ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Atlantic Council iyo Hay’adda Difaaca Dimuqraadiyadda ee loo yaqaano Foundation for Defense of Democracies (FDD).
Kulamada ayaa lagu falanqeeyey arrimo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed, amniga marin-biyoodyada, ganacsiga caalamiga ah, iyo fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Maraykanka.
Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu carrabka ku adkeeyey taabbo-galka hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka jira Somaliland oo ku dhisan doorashooyin xor iyo xalaal ah, isbeddel siyaasadeed oo si nabad ah u dhaca, ka qaybgalka shacabka JSL ee hannaanka Dimuqraadiyadda, iyo in Somaliland ay leedahay Hay’ado Qaran oo Dastuuri ah oo ku shaqeeya nidaamka dimuqraadiyadda.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu hoosta ka xarriiqay in waayo-aragnimada Somaliland ay tahay tusaale muujinaya sida xasilloonida, dawladnimada iyo dimuqraadiyaddu u noqon karaan tiirarka amniga iyo horumarka gobolka.
Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey muhiimadda juqraafiyeed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dekedda Berbera, gaar ahaan marka laga eego amniga Badda Cas, isaga oo caddeeyey in Somaliland ay diyaar u tahay in ay noqoto (saaxiib) la isku halayn karo oo kaalin wax-ku-ool ah ka qaadan kara amniga iyo xasilloonida gobolka.




