“𝐌𝐚𝐜-𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐮𝐝𝐬𝐨𝐧: 𝐅𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐃𝐚𝐲𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐅𝐚𝐡𝐚𝐧-𝐥𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰-𝐱𝐮𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚-𝐭𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐚” Ex. Wasiir Cabdiweli Sh. Cabdillaagi Suufi
Madaxweyne Cabdiraxmaan waxa uu ka helay mac-hadka 𝐇𝐮𝐝𝐬𝐨𝐧 𝐈𝐧𝐬𝐭𝐢𝐭𝐮𝐭𝐞 fursad siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo dahabi ah. In hoggaamiye 𝐤𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 (𝐊𝐞𝐲𝐧𝐨𝐭𝐞 𝐒𝐩𝐞𝐞𝐜𝐡) ka jeediyo mac-had ay tixgeliyaan siyaasiyiinta, khubarada, warbaahinta iyo dadka qaabeeya siyaasadda Washington waa fursad uu dad badan oo kala duwan ku gaadhsiin karo himilada ummaddiisa.
Khudbadda Madaxwaynuhu akhriyey waxa ay mid wanaagsan. Hase yeeshe dhibaatadu waxa ay soo baxday markii loo gudbay dhinacii su’aalaha iyo jawaabaha oo ah qaybta loogu talo galay in lagu ogaado aragtida iyo siyaasadda hoggaamiyaha lagu martiqaaday madasha.
Qaabka Madaxwaynuhu uga jawaabay su’aalaha la waydiiyey waxa ka muuqday dhowr arrimood oo xagal-daaciyey qiimihii khudbadda Madaxwaynaha:
𝟏. 𝐉𝐚𝐰𝐚𝐚𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐥𝐚 𝐑𝐚𝐚𝐠𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐚𝐲𝐧𝐮𝐡𝐮 (𝐇𝐞𝐬𝐢𝐭𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐰𝐡𝐞𝐧 𝐚𝐧𝐬𝐰𝐞𝐫𝐢𝐧𝐠): Su’aalo badan oo la waydiiyey wakhti ayuu u baahday Madaxwaynuhu in uu kaga jawaabo inkasta oo badankooda si fudud loo sii saadaalin karayey, lagana diyaargaroobi karayey, jawaabtooduna fududayd. Tani waxa ka muuqday diyaar garow la’aan iyo xog yaraan haysa Madaxweynaha.
𝟐. 𝐐𝐨𝐬𝐨𝐥 𝐝𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐡𝐚𝐛𝐛𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐧 𝐌𝐚𝐪𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐚𝐲𝐧𝐞-𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐮𝐮 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 (𝐄𝐱𝐭𝐞𝐧𝐝𝐞𝐝 𝐋𝐚𝐮𝐠𝐡𝐭𝐞𝐫 𝐈𝐧𝐚𝐩𝐩𝐫𝐨𝐩𝐫𝐢𝐚𝐭𝐞 𝐰𝐢𝐭𝐡 𝐏𝐫𝐞𝐬𝐢𝐝𝐞𝐧𝐭𝐢𝐚𝐥 𝐃𝐢𝐠𝐧𝐢𝐭𝐲 𝐚𝐧𝐝 𝐭𝐡𝐞 𝐒𝐞𝐫𝐢𝐨𝐮𝐬𝐧𝐞𝐬𝐬 𝐨𝐟 𝐭𝐡𝐞 𝐎𝐜𝐜𝐚𝐬𝐢𝐨𝐧): kaftan, dhoolla-caddayn iyo qosol kooban waxa ay marmar keentaa in ay qurxiso jawaabaha la bixinayo, hase ahaatee qosol dheer oo lala tago madal caalami ah, lagagana baxo jawaabta su’aalo masiiri ah oo tabaanaya doodda qaddiyadaada waxa ay u diraysaa dunida farriin ah in Somaliland aanay ka dhab ahayn waxa ay ku doodayso (lack of seriousness) ama in aan hoggaamiyuhu lahayn xirfad uu kaga jawaabo su’aasha hortaalla.
𝟑. 𝐉𝐚𝐰𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐱𝐬𝐚𝐧 𝐍𝐮𝐱𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐮’𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 ( 𝐑𝐞𝐬𝐩𝐨𝐧𝐬𝐞𝐬 𝐦𝐢𝐬𝐬𝐢𝐧𝐠 𝐭𝐡𝐞 𝐒𝐮𝐛𝐬𝐭𝐚𝐧𝐜𝐞 𝐨𝐟 𝐭𝐡𝐞 𝐐𝐮𝐞𝐬𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬): Khabiirka Madaxweynaha su’aalaha waydiinayey waxa uu u dhowr goor u baahday inuu ku celiyo su’aasha ama qaab kale u waydiiyo isaga oo hagaya Madaxweynaha. Nasiib-darro Madaxweynuhu waxa uu u muuqday in ay ku adagtay ama uu ka baxsanayo in jawaab sax ahi ka soo baxdo, waxa uu ku celcelinayey hadallo guud oo aan xidhiidh la lahayn nuxurka su’aasha hor taalla.
𝟒. 𝐉𝐚𝐰𝐚𝐚𝐛 𝐥𝐚’𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚 𝐱𝐨𝐠-𝐨𝐠𝐚𝐚𝐥 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧: Su’aasha ugu daran waxay ahayd markii la waydiiyey Madaxweynaha khayraadka Somaliland ee uu kaga jawaabay “𝐌𝐚 𝐢𝐡𝐢 𝐊𝐡𝐚𝐛𝐢𝐢𝐫 𝐆𝐞𝐨𝐥𝐢𝐠𝐢𝐬𝐭 𝐚𝐡” halkii laga sugayey in uu dunida u sharraxo noocyada, baaxadda iyo qiimaha uu leeyahay khayraadka Somaliland, laakiin taa wuu ka gabbaday Madaxweynuhu. Taas oo laga fahmayey in Madaxwayne dal dhan xukumaa aanu ka jawaabi karayn su’aal noocaa ah, waxa kale oo ay muujisay in gacanyareyaasha Madaxwaynuhu aanay fahasansaneyn qiimaha jawaab noocaas oo kale ah, sidoo kalena aanay u diyaar garoobin.
Waxa si cad u muuqata in meesha uu ka maqan yahay doorkii la-taliyaasha ee ka caawin lahaa Madaxweynaha u diyaar-garowga fagaarayaasha caalamiga ah, waxa sidoo kale muuqata in ay iyaga laftigoodu aanay lahayn xirfaddii iyo farsamadii ay ku taageeri lahaayeen Madaxweynaha ee hawshoodu ay ku kooban tahay sawir iyo muuqaal ay la galaan.
Marka aad si dhow ugu fiirsato arrimahaa sare waxa kuu soo baxaya in ay Madaxweynaha seegtay in uu si fiican uga faa’iidaysto fursaddan qaaliga ee uu caalamka iyo Maraykanka kaga iibin lahaa qodobbada bud-dhigga u ah dedaallada aqoonsi raadinta Somaliland sida qiimaha istiraatiijiyadeed ee ay Somaliland leedahay, hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, amniga Badda Cas, iskaashiga Maraykanka, khayraadka dabiiciga ee dunida aynu wax kula qabsan karno.
Madaxweynaha lagama doonayo in uu su’aal walba uga jawaabo si faahfaahsan oo qoto dheer, mana ah inuu noqdo qaamuus xogta dalka oo dhan haya, laakiin waxa looga baahan yahay 𝐢𝐧 𝐮𝐮 𝐛𝐢𝐱𝐢𝐲𝐨 𝐣𝐚𝐰𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐨𝐨𝐛𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐧𝐮𝐱𝐮𝐫 𝐱𝐚𝐦𝐛𝐚𝐚𝐫𝐬𝐚𝐧, 𝐤𝐮𝐧𝐚 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐱𝐨𝐠 𝐦𝐚𝐜𝐧𝐨 𝐥𝐞𝐡 𝐢𝐲𝐨 𝐟𝐚𝐫𝐢𝐢𝐧 𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐣𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐚 𝐪𝐚𝐝𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐢𝐥𝐚𝐚𝐝𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢𝐬𝐚.
Ugu Dambayn, Madaxweynaha wuu mudan yahay in lagu garab istaago dedaallada uu ku raadinyo aqoonsi buuxa oo ay Somaliland hesho. Hase yeeshe, marka qaabka uu uga qayb gelayo fagaarayaasha caalamiga ahi ay dhaawacayso dedaaladdaasi waxa lagama maarmaan ah in la tilmaamo halka gaabisku ka jiro, lana saxo




