Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo cambaareeyay weerarka Makka
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa weerarka lagu qaaday magaalada Makka ku tilmaamay “fal fulaynimo iyo waxashnimo ah”, isaga oo si adag u cambaareeyay.
Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa Xuutiyiinta Yemen ku eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarka.
Mr Sharif ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee X ku sheegay: “Dadka Pakistan aad ayay uga murugoodaan, walaacna waxay ka muujinayaan falkaas foosha xun.”
Xuutiyiinta ayaa beeniyay inay weerar ku qaadeen Makka.
Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay: “Hawlgalladeennu waxay beegsadaan xarumaha shidaalka iyo saldhigyada milatariga.”




