Abwaan Yusuf Shaacir oo Shaqo Jojin Lagu Sameeyay
Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille ( Shaacir) ayaa laga joojiyay shaqadii golaha Wakiillada Somaliland oo uu muddo dhawr sanno ah ka ahaa la-taliye dhinaca Af-ka iyo qoraalka Soomaaliga.
Warqadda waxa lagu xusay in uu madaxda Qaranka ka dhaliilay warbaahinta sidaas-darteedna shaqada looga joojiyay.
Waxa xusid mudan in Abwaan Yuusuf Shaacir muddooyinkan xukuumadda ku dhaliilayay gaabiska adeegyada bulshada sida caafimaadka sidoo kale waxa uu si weyn ugu dhaliilay arrimaha la xidhiidha musuq-maasuqa lagu eedeeyo mas’uulliyiinta xukuumadda.
Golaha Wakiillada Somaliland oo sharciyan ah gole ka madax-bannaan xukuumadda ayaa muddooyinkan u muuqda in aanu ahayn sidii uu ahaan jiray xilligii xukuumaddii madaxweyne Muuse Biixi.




