Maxamed Bin Salman oo la kulmay taliyaha taliska dhexe ee Maraykanka, maxayse ka wadahadleen

Telefishanka dowladda Sacuudiga ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman, uu Isniintii maanta la kulmay taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka (US Central Command), Admiral Brad Cooper.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, xilli ay sii kordhayaan weerarrada ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Ansaru Allah ku qaaddo Boqortooyada Sacuudiga.

Kulankan ayaa dhacay maalmo kadib markii saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah ay Reuters u sheegeen in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga uu ka codsaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaalmo militari si uu uga hortago Xuutiyiinta.

Warbaahinta Mareykanka ee Axios ayaa soo xigtay saraakiil Mareykan ah oo sheegay in Dhaxal-sugaha Sacuudigu uu Khamiistii laba jeer telefoon kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isaga oo ku boorriyay inuu duqeymo ka dhan ah Xuutiyiinta qaado.

Warbixintu waxay sheegtay in Trump uu diiday codsigaas, halka saraakiisha Mareykankuna ay sheegeen in maamulka Mareykanku uusan xilligan qorsheynayn inuu si toos ah tallaabo militari uga qaado Xuutiyiinta.

Ilaha Reuters ayaa intaas ku daray in Trump uusan oggolaan duqeymo Mareykan ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, balse Washington ay Riyadh ku wargelisay inay taageero ka siin doonto dhinacyada is-weydaarsiga xogaha sirdoonka iyo aqoonsiga bartilmaameedyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker