Hogaanka Xisbiga Kaah oo CID ku Booqday Wariye Xasan Galaydh
Guddoomiyaha Xisbiga KAAH mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen Hoggaamiyaha xisbiga Mudane Cabdikariin Xaaji Cali, Guddoomiye ku xigeenka qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha mudane Cumar-Sayid Cabdillaahi, Xoghayaha guud mudane Cabdillaahi Siciid iyo Xoghayaha warfaafinta mudane Guuleed Maxamed ayaa xarunta C.I.D ku booqday weriye Xasan Galaydh oo maalintii labaad xorriyadiisu ka maqantahay.
Kiiska weriye Galaydh iyo tacaddiyada ka dhanka ah saxaafadda madaxa bannaan ee JSL iyo xoriyatu qawlka ayuu xisbigu si faahfaahsan uga hadli doonaa saacadaha soo socda.




