Markabka dagaalka ee USS Ross oo soo gaadhay Kenya kaddib markii uu ka qayb qaatay howlgallada Mareykanka ee ka dhanka ah Iran

Markabka dagaalka ee Mareykanka ee USS Ross, oo awood u leh inuu rido gantaallo, ayaa ku yimid dekedda Mombasa booqasho hore loo qorsheeyay, iyadoo Mareykanka iyo Kenya ay adkeeyeen iskaashigooda dhinacyada amniga badda iyo xasilloonida gobolka.

USS Ross oo ah markab nooca Arleigh Burke ah, ayaa Mombasa soo gaaray 5-tii Sebtembar, xilli uu ku jiray howlgal ay Ciidamada Badda Mareykanka ka wadeen deegaannada Afrika iyo Yurub.

Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Kenya, Susan M. Burns, ayaa sheegtay in booqashadani ay muujinayso xoogga iskaashiga labada dal.

“Booqashadani waxay muujinaysaa xoogga iskaashiga Mareykanka iyo Kenya iyo taariikhda dheer ee aan si wadajir ah uga shaqaynaynay arrimaha gobolka ee labada dhinacba daneynayaan,” ayay tiri.

Burns waxay sheegtay in dekedaha gobolka sida Mombasa ay ciidamada Mareykanka u suurageliyaan inay helaan adeegyo ay ka mid yihiin sahay, shidaal iyo baahiyo kale oo muhiim ah, halka booqashada maraakiibtuna ay sidoo kale gacan ka geystaan is-dhaafsiga khibradaha ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya.

Taliyaha USS Ross, Cmdr. Pia Chapman, ayaa sheegay in booqashadu ay sidoo kale ciidamada markabka fursad u siinayso inay nastaan kaddib muddo ay ku jireen howlgal.

“Ciidamadeennu waxay muddadan howlgalka si aad ah u shaqeeyeen, iyagoo waajibaadkooda u gudanayay si anshax iyo isku duubni leh,” ayay tiri Chapman.

Waxay intaas ku dartay in ciidamada markabku ay qadarinayaan soo dhoweynta ay kala kulmeen shacabka Mombasa iyo fursadda ay u heleen inay la falgalaan bulshada iyo saaxiibadooda Kenya ee arrimaha badda.

Kenya waxay sannad kasta ka qaybqaadataa dhoolatuska Cutlass Express, oo uu hoggaamiyo Mareykanku, kaas oo isu keena dalal iyo hay’ado caalami ah si loo xoojiyo amniga badda ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono iskaashiga uu la leeyahay Kenya si wax looga qabto khataraha ay labada dal wadaagaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

USS Ross wuxuu tan iyo bishii Abriil ku sugnaa aagga howlgalka ee Fifth Fleet-ka Mareykanka, halkaas oo sida lagu sheegay warbixinta uu ku taageerayay Operation Epic Fury iyo xannibaadda uu Mareykanku ku hayo Iran.

Markabku wuxuu howlgalka u ambabaxay bishii Maarso isagoo qayb ka ahaa George H.W. Bush Carrier Strike Group, oo ay ku jiraan markabka diyaaradaha xambaara ee USS George H.W. Bush iyo maraakiib kale oo dagaal.

Hadda USS Ross wuxuu howlo ka wadaa aagga Sixth Fleet-ka Mareykanka, oo mas’uul ka ah howlgalada militari iyo kuwa badeed ee ka socda Yurub iyo Afrika, iyadoo lala kaashanayo xulafada iyo dalal kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker