Labo qof oo sagaal maalmood kadib laga soo badbaadiyey daadadkii xoogga badnaa ee Nepal

Laba qof ayaa iyagoo nool laga soo badbaadiyey godka mashruuca korontada biyaha ee Trishuli 3A ee Nepal, sagaal maalmood kadib daad xooggan oo ku dhuftay dalka, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 qof.

Kooxo samatabixin ah ayaa weli wada dadaallo lagu badbaadinayo dad kale oo la sheegay inay ku xanniban yihiin gudaha godka.

Suresh Raut, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Korontada Nepal, isla markaana goobta samatabbixinta ku sugnaa, ayaa BBC u sheegay in samatabixiyayaashu ay oksijiin siinayaan qofka la soo badbaadiyey, kaas oo mas’uuliyiintu sheegeen inuu yahay Sanjaya Shah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker