Jubaland oo qaadacday hindise-sharciyeedka dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si rasmi ah uga soo horjeesatay hindise-sharciyeedka dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in hindisahaasi uu ka hor imaanayo dastuurka iyo awoodaha Jubaland.

Bayaan ay soo saartay Wasaaraddu ayaa lagu sheegay in hindise-sharciyeedka Golaha Culimada Soomaaliyeed, oo ay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya gudbisay, uu yahay arrin la xiriirta diinta iyo arrimaha bulshada, kuwaas oo sida ay Jubaland sheegtay ka mid ah awoodaha ay dastuur ahaan u leedahay dowlad-goboleedyada.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Dastuurka Jubaland iyo heshiisyada lagu dhisay nidaamka federaalka Soomaaliya ay siinayaan dowlad-goboleedyada awood ay ku maamulaan arrimaha la xiriira diinta iyo bulshada, iyadoo tilmaantay in arrimahaasi aysan ahayn kuwo si gaar ah loogu koobay Dowladda Federaalka.

Jubaland ayaa sidoo kale ka digtay in hindisaha lagu dhisayo Golaha Culimada Soomaaliyeed uu saameyn ku yeelan karo madaxbannaanida iyo awoodaha hay’adaha diinta ee dowlad-goboleedyada, iyadoo ugu baaqday hay’adaha ay khusayso inay dib u eegaan hindisaha.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn sheegtay inay si cad u qaadacayso hindise-sharciyeedka, waxayna tilmaantay in haddii la meel mariyo uu saameyn ku yeelan karo awoodaha dastuuriga ah ee dowlad-goboleedyada iyo qaab-dhismeedka federaalka Soomaaliya.

Jubaland oo qaadacday hindise-sharciyeedka dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker