“Waa in aynu horumarka dalkeena ka shaqayno, una soo jeedsano.” Guddoomiyaha Maxkamda Sare

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in Somaliland tahay dal khayraad badan leh, balse aan si ku filan looga faa’iidaysan, isaga oo ku baaqay in bulshada iyo masuuliyiintu xoogga saaraan horumarinta dalka.
Waxaanu yidhi: “Dalkeenu waa waddan qani ah oo khayraad badan ka buuxo, balse nasiib-darro khayraadkaas kama faa’iidaysano oo dadkii dalkan lahaa aanay ka faa’iidaysan.”
Guddoomiyuhu waxa uu walaac ka muujiyey haajiridda dadka dalka u dhashay, halka uu sheegay in ajaanib ay dalka kusoo badanayaan, isaga oo tilmaamay in jihada hadda lagu socdo aan horumar lagu gaadhi karin.
Waxaanu yidhi: “Waxa aad moodaa in dadkii dalkan lahaa ay ka sii haajirayaan, dad kale oo ajaanib ahina u soo haajirayaan Somaliland, waddadan aynu hayno horumar kuma gaadhayno.”
Gaba-gabadii, Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa ku baaqay in dib loo eego jihada horumarka dalka, si dhab ahna looga faa’iidaysto khayraadka Somaliland, loona abuuro fursado ay bulshada dalku kaga qaybqaadato horumarkeeda.
Waxaanu yidhi: “Waa in aynu horumarka dalkeena ka shaqayno, una soo jeedsano.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker