Xukun lagu Riday Rag Keenay Raashin Dhacay
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland ayaa shaaciyay xukun lagu riday laba nin oo lagu helay dembi ah in ay Hargeysa soo geliyeen raashin dhacay oo xumaaday weliba.
Maxamed Cabdi Caynaanshe oo 50 jir ah kana tirsanaa Ciidanka Qaranka ayaa ah ninka koobaad ee lagu helay in uu raashinkan soo geliyay iyadoo lagu xukumay hal sano oo xabsi ciidan .
Maxamuud Xasan Maxamed 40 jir shacab ah ayaaa isna lagu ganaaxay 3 milyan oo shillinka Somaliland oo u dhigan 265 dollar.
Raashin oo ay si wadajir ah maanta u gubeen maxkamadda Ciidamada iyo dawladda hoose ee Hargeysa oo iyadu hore u soo qabatay ayaa ahaa 450 kiish.
Xukunka lagu riday raggan ayaa ah mid aad u yar balse waxa la sheegay in xeerarka Somaliland ee lagu xukumo dadka falalkan ku kacaa weli qabyo yihiin.
Dhawaan ayaa Gallaydh TV faallo ka qoray sababta loo shaacin waayay magacyada dadka lagu qabto raashinka dhacay.
Waa tallaabo bogaadin mudan in lagu dhiirado in la shaaciyo dadka lagu qabto raashinka iyo daawooyinka dhacay.




