Nuuxrka Qodobada Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland

Fadhigii 71-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.
Arrimaha lagaga wada hadlay Fadhiga 71-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa:
๐Ÿ. ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in guud ahaan amniga Jamhuuriyadda Somaliland yahay mid sugan oo xasilloon, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni-darro ah oo si guud uga jirta Gobollada dalka JSL.
Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay hawlaha socda ee lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha bulshada iyo adkaynta amniga qaranka ee Gobollada Awdal iyo Selel, isaga oo sheegay in wefti Wasiirro iyo madax sare oo ka tirsan Xukuumaddu ay safar shaqo ugu maqnaayeen Gobollada Galbeedka dalka, halkaas oo ay ka wadeen dadaallo lagu dardargelinayo Gogosha Nabadda iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.
Wasiirku waxa uu sheegay in bulshada walaalaha ah ee ku wada nool Gobollada Awdal iyo Selel ay si weyn u muujiyey rabitaankooda ku aaddan nabad, wada-noolaansho iyo xasillooni waarta, taas oo muujinaysa in xal waara lagu gaadhi karo wada-hadal iyo is-afgarad bulsho.
๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka dalka, hawlaha Wasaaradda iyo safarro shaqo oo uu ku tagay Gobollada Togdheer iyo Saaxil, isaga oo qiimayn ku sameeyey baahiyaha caafimaad iyo hab-sami-u-socodka adeegyada bulshada.
Wasiirku waxa uu si rasmi ah magaalada Burco uga daah-furay wejiga labaad ee Barnaamijka Better Life, kaas oo taageero caafimaad iyo adeegyo kala duwan siinaya 28 xarumood oo caafimaad oo ku yaalla Gobolka Togdheer, oo ay ka mid yihiin cisbitaallo iyo xarumaha caafimaadka dhallaanka iyo hooyada.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu booqasho hawleed ku tagay Gobolka Saaxil, gaar ahaan marxaladda Berbera, isaga oo u kuur-galay xaaladda adeegyada caafimaadka, baahiyaha jira iyo meelaha u baahan in wax laga qabto. Waxa uu sheegay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay Gobollada Saaxil iyo Sanaag gaadhsiisay mishiinnada CT-Scan, kaasi oo wax weyn ka tari doona baadhista iyo ogaanshaha cudurrada, isla markaana dabooli doona baahiyaha xagga caafimaadka ee oo Gobollada Saaxil iyo Sanaag.
Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay sii wadi doonto xoojinta adeegyada caafimaadka, horumarinta kaabayaasha caafimaad iyo gaadhsiinta adeegyo tayo leh Gobollada iyo Degmooyinka dalka, kolba intii la awoodo.
๐Ÿ‘. ๐๐š๐ฒ๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š:
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey ujeeddada Siyaasadda War-baahinta Qaranka, taasi oo ah dhismaha warbaahin xor ah, madax-bannaan, mas’uul ah, xirfad leh, kana jawaabi karta baahiyaha bulshada iyo hir-gallinta himilooyinka Qaranka Somaliland uu leeyahay.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku uu xaqiijiyey in siyaasaddani waafaqsan tahay Dastuurka Qaranka iyo Shuruucda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Siyaasaddani ay door weyn ka qaadan doonto is-fahamka iyo isku xidhnaanta Saxaafadda, Bulshadda iyo Hay’adda Dawladda iyada oo laf dhabar u noqoneysa xoojinta amniga Qaranka iyo Illaalinta akhlaaqda suubban ee umadda JSL. Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada JSL ka codsaday in ay soo akhriyaan, soona naaqishaan nuqulka qoraalka Siyaasadda Warbaahinta Qaranka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker