𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐫𝐭𝐢𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta xilka banneeyey.
Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyey kalsoonida ay Golaha Guurtidu ugu doorteen hoggaaminta Golaha, isaga oo u rajeeyey in Alle SWT ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday, kuna guulaysto xoojinta doorka Golaha Guurtida ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, wadajirka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Qaranka.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan si qoto dheer ugaga mahad naqay muddada dheer ee uu u soo adeegayey dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida ku bogaadiyey hoggaamintiisii iyo sida hagar la’aanta iyo xikmadda lahayd ee uu ugu soo adeegayey Qaranka JSL, isaga oo ku tilmaamay Oday Qaran oo mudan qaddarin iyo abaal Qaran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker