Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo qaabilay Madaxa Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Somaliya

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Somaliland iyo Soomaaliya, Hameed Nuru, oo ay weheliyeen Madaxa WFP ee Somaliland, Khalid Al-Quasi, iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane Aadan Geedi Qayaad.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda WFP, iyada oo diiradda la saaray hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP III), horumarinta wax-soo-saarka beeraha dalka, xoojinta adkaysiga bulshada iyo sugnaanta cuntada.
Madaxa WFP ayaa xaqiijiyey sida ay Hay’adda uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo tilmaamay in qorshaha istaraatiijiyadeed ee WFP uu mudnaan gaar ah siinayo horumarinta beeraha, la qabsiga isbeddelka cimilada, ka-hortagga masiibooyinka iyo kobcinta ilaha dhaqaale ee bulshada.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa uga mahad celiyey WFP taageerada ay la garab taagnayd shacabka Somaliland, isaga oo caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay mudnaanta koowaad siinayso dhismaha isku-filnaanshaha, kobcinta wax-soo-saarka iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo bulshada waxtar u leh, si loo dhiso bulsho adkaysi leh oo mustaqbalka ka kaaftoonta ku-tiirsanaanta gargaarka bani’aadannimo.
Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu carrabka ku adkeeyey in iskaashiga u dhexeeya Xukuumadda JSL iyo Hay’adaha Caalamiga ahi uu saldhig u noqdo maalgashi waara oo kor u qaadi kara wax-soo-saarka, horumarinta beeraha iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada ee dalka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker