Diyaaradaha dagaalka UK oo ka hortagay diyaarad Ruushku leeyahay oo ku soo dhawaatay markab dagaal
Diyaarad Ruushku leeyahay oo ah nooca loo yaqaan Bear-F oo ku duuleysay joog hoose ayaa “si aan loo baahnayn ugu soo dhowaatay” markabka xambaara diyaaradaha ee HMS Prince of Wales.
Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in dhaq-dhaqaaqa Ruushka ee Badda Norway uu ahaa “mid khaldan oo halis ah”.
Arrintan ayaa timid toddobaadyo kaddib markii ciidamada badda ay fuuleen markab shidaal oo ka tirsan kuwa is-qariye ee Ruushka, kaas oo marayay Kanaalka Ingiriiska. Sidoo kale, madaxa ciidamada ayaa sheegay in halista iyo khataraha UK ku soo fool leh ay hadda ka badan yihiin kuwii hore.
Diyaaradda Ruushku leeyahay ayaa la rumeysan yahay in ay ku ridday biyaha qalab sabbeeya si loo ogaado maraakiibta quusta iyo maraakiibta kale.




