Golaha Wasiirada Somaliland oo ansixiyey Baaqii Wada jirka ahaa ee Isreal iyo Somaliland, Golaha Barlamaanka u gudbiyey
Golaha Wasiirrada JSL hor keenay, isla markaana Golaha si dhammaystiran looga hor akhriyey nuxurka Baaqii Wadajirka ahaa (Joint Declaration) ee ay soo saareen labada Dawladood, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil, kaasi oo ay Golaha Wasiirrada JSL cod gacan taag ah oo aan loo kala hadhin ku meel mariyeen.
Baaqan isaga ah oo soo baxay 15.06.2026-ka, waxa magaalada Jerusalem si wadajir ah ugu saxeexay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Israa’iil.
Baaqa Wadajirka ah ee ay soo saareen labada dhinac ayaa ah tallaabo istaraatiiji ah oo waafaqsan danaha uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Baaqan ayaa loo gudbin doonaa Golayaasha Sharci-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.




