Dadka Maraykanka oo lagu booriyey inay ka baxaan dalalka Bariga Dhexe

Sidaan horrey u soo tebinay, safaaradda Maraykanka ee Baqdaad ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan muwaadiniinteeda inay ka baxaan Iraq kadib markii gantaal ku dhacday dhismaha safaaradda sabtidii.

Digniinta safaaradda, waxaa lagu yiri muwaadiniintu waa inay “hada ka baxdaan Iraq.”

“Muwaadiniinta Maraykanka ee doorbida inay sii joogaan Ciraq si xooggan ayaa loogu boorinayaa inay dib uga fiirsadaan, iyadoo la tixgelinayo khatarta weyn ee ay wadaan kooxaha mintidiinta ah ee Iran la xiriira,” ayaa lagu qoray qoraalka safaaradda.

Maadaama Iran ay weerarro ka fulisay bartilmaameedyada Maraykanka ee Bariga Dhexe, Maraykanku wuxuu ku booriyey muwaadiniintiisa inay ka baxaan in ka badan toban dal.

Si gaar ah, Maraykanku wuxuu sabtidii sheegay inuu amray shaqaalaha dowladda ee aan degdega ahayn iyo qoysaska shaqaalaha dowladda inay ka baxaan Oman, sida ay ku warbixiyay Reuters.

Ameerikaanka ayaa loo sheegay inay ka baxaan 14 dal oo ku yaalla Bariga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker