Qaramada Midoobay oo maanta u codaynaysa qaraar la xidhiidha dagaalka Bariga Dhexe
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay maanta u codeeyaan laba qaraar oo kala duwan oo la xidhiidha dagaalka ka socda Iran iyo saameynta uu ku yeeshay gobolka.
Qaraarka koowaad oo ay soo jeediyeen dalalka Khaliijka ayaa cambaareynaya weerarrada Iiraan ku qaadday dalalkooda iyo Urdun.
Dhanka kale, Ruushka oo ah xulafada Iiraan ee golaha ayaa soo bandhigay qaraar kale. Qoraalkan oo aan si toos ah loo magacaabin Iran, Israel ama Maraykanโwuxuu cambaareynayaa weerarrada lagu hayo dadka rayidka ah, wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in ay joojiyaan dagaalka oo ay dib ugu noqdaan wada-xaajoodka.
Tani waa tallaabadii ugu horraysay ee goluhu tixgeliyo tan iyo markii uu qabtay kulan degdeg ah markii uu dagaalku billowday.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antรณnio Guterres ayaa markaas sheegay in duqeymaha ay Israel iyo Maraykan ka geysteen Iran, iyo weerarrada jawaabta ah ee Iran ka fulisay dalalka gobolka ay yihiin jebin lagu sameeyay Axdiga Qaramada Midoobay.
Qaraarka ay wataan dalalka Khaliijka waxa taageeraya in ka badan 90 dal, oo uu ku jiro Ingiriisku. Waxaana lagu dalbanayaa in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan weerarrada iyo hanjabaadaha ay Iran ku hayso lixda dal ee Khaliijka iyo Urdun, sidoo kale wuxuu cambaareynayaa tallaabo kasta oo Tehran ay ku carqaladeyn karto ama ku xannibi karto maraakiibta caalamiga ah ee mara marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.




