Sacuudiga oo sheegay in Iraan ay ku weerartay gantaal nooca casriga ah
Wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ayaa sheegtay inay qabatay oo burburisay gantaal ballistic ah oo lagu tuuray Saldhigga Diyaaradaha Prince Sultan.
Saldhiggan milatari wuxuu ku yaalaa Al Kharj, 101 km koonfur-bari kaga beegan caasimadda Riyadh.
Hore, wasaaraddu waxay ku sheegtay bartaX inay joojisay laba weerar oo drone ah kadib markii ay ka toogteen woqooyi ee magaalada Riyadh.




