Trump waxa uu u maamuley wadahadallada sidii “gorgortan guri” – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiran, Abbas Araghchi, ayaa ku eedeeyay Donald Trump in uu “miiska wadahadalka uu ugu tuuray si ula kac ah”, sida uu ku sheegay qoraal cusub oo uu soo dhigay barta bulshada.
“Marka wadahadallo nukliyeer oo adag loo maamulo sidii gorgortan guri, isla markaana been weyn ay mugdi ku samayso xaqiiqooyinka, filashooyinka aan macquulka ahayn marnaba lama gaari karo,” ayuu yiri.
Araghchi wuxuu intaa ku daray in Trump uu “diblomaasiyadda iyo dadka Mareykanka ee doortay uu khiyaamay.”




