Muuqaalo dayax-gacmeed oo muujinaya burbur iyo Dab ka kacay goob Shidaal oo Imaaraadka ku taalla,
Laba muuqaal oo ay hubin iyo xaqiijin ay ku sameysay BBC Verify ayaa muujinaya in dab ka kacay Fujairah Oil Terminal oo ku yaalla xeebta Gacanka Cumaan ee Imaaraadka
Muuqaalka koowaad waxaa duubay qof darawal ahaa oo marayay waddada wayn ee ag-marta aagga kaydka shidaalka ee xarunta, halka muuqaalka labaad laga duubay xaafad ku dhow, waxaana la arkayaa qiiq iyoo uuro madow oo cirka iska shareeray.
Shirkadda tamarta ee VTTI, oo maamusha dekedda, ayaa u sheegtay BBC News inay hakisay hawlgallada “tallaabo taxaddar ah oo ka dhalatay xaaladaha ugu dambeeyay,” isla markaana dib loo furi doono “marka ay ku habboonaato.”
Sawirro dayax-gacmeed oo saaka laga qaaday oo ay qaaday Planet Labs PBC ayaa muujinaya waxyeello gaartay ugu yaraan hal taangi, iyadoo calaamado gubasho lagu arkay agagaarka. Sidoo kale, dayax-gacmeedyada NASA ayaa diiwaangeliyay calaamad kuleyl ah isla goobtaas wax yar kadib 09:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah Talaadadii.
Fujairah Oil Terminal waxay kaydin kartaa ilaa 1.2 milyan mitir cubic oo shidaal ah, waxayna ka mid tahay goobaha yar ee gobolka ee si toos ah ugu yaalla gacanka Cumaan




