Xukumadda Somaliland oo Camabraysay Weerarrada Iiran ku Qaaday Dalalka Khaliijka
Qoraal ay barta Facebook soo dhigtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, ayaa lagu cambaareeyay weerarka ay Iiraan ku qaadday qaar ka mid ah dalalka Gacanka.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay si adag u cambaaraynaysaa duqaymaha ay dawladda Iran ku bartilmaameedsatay labada dal ee Imaaraadka Carabta, Dawladda Qadar, Dawladda Kuwait, Boqortooyada Baxrayn, Boqortooyada Sucuudiga iyo Boqortooyada Hashmi Jordan.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay si buuxda ula garab taagan tahay dalalka walaalaha ah, iyadoo diidaysa gardaradan khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.




