Midowga Yurub oo ku dhawaaqay €63 milyan oo gargaar bani’aadannimo ah oo loogu talo galay Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay €63 milyan oo gargaar bani’aadannimo ah oo lagu taageerayo bulshooyinka ugu nugul ee ku nool Soomaaliya, kuwaas oo ay saameeyeen colaadaha daba dheeraaday iyo barakaca, iyo sidoo kale abaarta sii xoogeysaneysa.

Ku dhawaaqistan ayaa imaanayaa xilli ay sare u kacayaan heerarka macaluusha iyo nafaqo-darrada la xiriira abaarta ka jirta guud ahaan dalka. Qiyaastii 6.5 milyan oo qof oo u dhiganta ku dhowaad saddex meelood meel shacabka Soomaaliyeed  ayaa wajahaya cunto yari daran, halka lagu qiyaasayo in 1.85 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an.

Lacagta cusub ee Midowga Yurub ayaa la sheegay in ay mudnaan siin doonta adeegyada  daryeelka caafimaadka iyo nafaqada, gaar ahaan daaweynta nafaqo-darrada daran, gargaar lacageed oo degdeg ah, biyo iyo fayadhowr, adeegyo ilaalin bulsho iyo waxbarasho degdeg ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay in gargaarkan la marsiin doono hay’adaha bani’aadannimo ee la-hawlgalayaasha la aamini karo ee Midowga Yurub, kuwaas oo ka hawlgala gudaha Soomaaliya, si loo hubiyo in taageeradu gaarto dadka ugu baahida badan si waqtigeeda ah, si loo wada siman yahay, isla markaana si hufan.

Midowga Yurub ayaa tan iyo sannadkii 2017 bixiyay in ka badan €750 milyan oo gargaar bani’aadannimo ah oo loo fidiyay Soomaaliya.

Xilli gargaarka bani’aadannimo ay si weyn u saameeyeen dhimista kaalmooyinka caalamiga ah, Midowga Yurub ayaa sheegay inuu weli muujinayo ka go’naanshihiisa ah inuu sii wado bixinta gargaar degdeg ah oo la gaarsiiyo dadka ugu nugul ee ku nool Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker