Sheekada Yasmin Cabdi, gabadha ku takhasustay amniga internet-ka iyo tignoolajiyadda
Yasmin waxay waalidkeed 30 sanno kahor kasoo qaxeen Soomaaliya, si lamid ah, boqollaalkii kun ee soomaaliyeed ee ka carartay burburkii dowladnimada Soomaaliya, waxay nasiib u yeesheen inay caga dhigtaan Mareykanka, kadib sannado ay iskaga kala gooshayeen xeryo qaxooti oo mid kasta ay mahadho gaar ah leedahay, sidoo kalena himilooyin waaweyn ay ka dhaxleen.
Inkasta oo aysan iyadu lafteeda soo marin nolol barakac, haddana waalidkeed dhibta ay la soo mareen, waxay markasta u ahayd dibu-milicsi taariikheed oo lagu ababiyay.
Xusuustaas hore, inkastoo ay da’ yarayd, waxay saldhig u noqotay fahamka Yasmin ee ah in nidaam kasta, ha ahaado dowlad, bulsho, ama tignoolajiyad, uu yeelan karo awood uu ku badbaadiyo ama ku waxyeelleeyo dadka nugul.
Maanta, Yasmin Abdi waa khabiir ku takhasusay amniga internetka, iyadoo diiradda saarta sidii loo ilaalin lahaa ganacsiyada yaryar, shirkadaha bilowga ah, iyo bulshooyinka aan inta badan helin difaac ku filan oo dunida dijitaalka ah.
Safarka Yasmin ee tignoolajiyadda ma uusan ku bilaaban waxbarasho iyo shahaadooyin toonna. Wuxuu ka bilowday xiise carruurnimo oo maankeeda dagay.
Waxay aad u danayn jirtay raadiyaha, taleefannada, iyo qalabka elektaroonigga ah oo idil. Su’aasha mar walba maskaxdeeda ku soo noqnoqon jirtay waxay ahayd sida cod meel fog laga soo dirayo, uu uga soo baxayo qalab yar oo raadiye ah, ama sida ay suurtagal ku noqotay in hawo aanan la arkeyn ay bini’aadamku farriimo isku dhaafsadaan




