Duqeyn ka dhacday gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya
Weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) ayaa laga fuliyay laba magaalo iyo hal degmo oo ka tirsan aagga bartamaha ee gobolka Tigray habeenkii Jimcaha iyo saakay aroortii, sida ay BBC-du ku heshay xog.
Hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waa ku dhaawacmay weerarka drone-ka ee ka dhacay magaalada Entcho, sida ay booliiska magaaladaasi u sheegeen BBC Tigrinya.
Weerarka drone-ka ayaa dhacay shalay, Jimce, xilli ay jiraan warar sheegaya in dowladda federaalka iyo ciidamada Tigray ay mar kale isku dhaceen.
Booliiska iyo ilo kale ayaa sheegay in weerarradu ay ka dhaceen magaalooyinka Entcho iyo Gendebeta, iyo sidoo kale degmada Ahferom.
Waxaa la sheegay in weerarrada drone-ka ee ka dhacay magaalooyinka Entcho iyo Gendebeta lagu bartilmaameedsaday gaadiid.
Taliyaha booliiska magaalada Entcho, Tesfay Amare, ayaa sheegay in laba gaari oo ku sugnaa magaalada lagu beegsaday weerar drone ah. Weerarka ayaa la sheegay inuu dhacay intii u dhaxaysay 9:00 ilaa 10:00 habeenimo.
Waaxda isgaarsiinta ee magaalada ayaa Facebook ku baahisay sawir muujinaya laba gaari xamuul ah.
Mid ka mid ah gaadiidkaas ayaa lagu arkayaa isagoo waxyeello ka soo gaartay qaybtashukaanta. Qayb ka mid ah xamuulka gaariga oo ku daboolnaa teendho ayaa bannaanka u soo baxay, waxaana si cad loo arkayaa moos cayriin oo yaalla qaybtaas furan.




