Xukumadda Somaliland oo Taageertay Qabashada Madaxweynihii Hore ee Venezuela

Wasaradda Arimaha dibada Somaliland ayaa war-saxafadeed ay soo saartay ku taageertay Dawlada marakynka qabashada Madaxweynihi Venezuela waxanay ku amaantay Dawlada maraykanka sida taxadarka leh ee uu hawsha u qabtay .

waxanu u dhignaa sidan War-saxafadeedku:-

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeyneysaa mowqifkeeda mabda’a ku dhisan ee ay la safan tahay Maraykanka, kuna taageerayso tallaabooyin caalami ah oo si taxaddar leh loo miisaamay, kuwaas oo ujeedkoodu yahay dib-u-soo celinta kala dambaynta dastuuriga ah, sharciyadda dimuqraadiyadeed, iyo ku dhaqanka sharciga ee dalka Venezuela.

Iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah iyo tixgelinta amniga wadajirka ah, Somaliland waxay aaminsan tahay in ka-qaybgalka  Maraykanku hoggaaminayo, isla markaana lala kaashanayo saxibada gobolka  iyo kuwo caalami ah, uu gacan ka geysan karo yareynta dhibaatada bani’aadantinimo, la-dagaallanka shabakadaha dambiyada caalamiga ah, isla markaana taageeri kara kala-guur nabadeed oo ay hoggaaminayaan dadka reer Venezuela, kuna dhisan madaxbannaani, isla-xisaabtan, iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha. “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker