Dhaqan-gelinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka .

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ka duulaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran, isla markaana tixraacaya ansixinta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland iyo goโ€™aanka Golaha Wasiirrada, maanta oo ay taariikhdu tahay 29/12/2025, waxa uu soo saaray Wareegto Madaxweyne oo si rasmi ah loogu dhaqan-gelinayo Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2026.

Wareegtadani waxa ay waajibinaysaa in dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Hayโ€™adaha Madaxa-bannaan ee Qaranka, iyo Dawladaha Hoose ay u fuliyaan Miisaaniyadda Qaranka si hufan, isla-xisaabtan leh, masuuliyadna ku dheehan tahay, iyaga oo raacaya mudnaanta Qaranka, Shuruucda iyo Xeerarka Maaliyadeed ee khuseeya.

Wareegtadani waxa ay dhaqan-galaysaa laga bilaabo taariikhda uu saxeexay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah 29/12/2025.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker