Taliyaha Ciidanka Qaranka Jsl oo Hambalyo U Diray Shacabka
Taliska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waxa uu hambalyaynayaa guusha ballaadhan ee maanta uu Qaranku gaadhay, gaar ahaan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Iyadoo laga duulayo masuuliyadda qaran, Taliska Ciidanku waxa uu amrayaa in dhammaan Talisyada ciidanku galaan heegan buuxa, si loo sugo amniga, midnimada, iyo xuduudaha dalka.




