Fallaagada oo bilaabay inay isaga baxaan magaalada muhiimka ah ee DR Congo

Kooxda fallaagada ah ee todobaadkii hore la wareegtay magaalada Uvira ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sheegay inay bilaabeen inay ka baxaan, iyagoo ballan qaaday inay soo afjari doonaan ka bixitaankooda Khamiista, ka dib cadaadis uga yimid Mareykanka.

Kooxda M23 ayaa qabsatay magaalada istaraatiijiga ah ee u dhow xuduudka Burundi, maalmo kadib markii heshiis nabadeed “taariikheed” ah oo Maraykanku garwadeen ka ahaa oo u dhexeeyey dawladaha Congo iyo Rwanda kaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu soo afjaro colaadda muddada dheer ka taagnayd bariga DR Congo.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda DR Congo ayaa sheegtay in ka bixitaanka la sheegay uu yahay ” xeelad ” una baahan in la xaqiijiyo.

Subaxnimadii Khamiista qaar ka mid ah dadka deegaanka Uvira ayaa BBC u sheegay in aysan caddayn in M23 ay baxayaan iyo in kale, iyadoo qaar ka mid ah gawaaridooda ay weli dhex wareegayaan magaalada.

Qabashada Uvira waxay dhalisay cambaarayn iyo digniin Maraykan ah oo ku saabsan cunaqabataynta ka dhanka ah Rwanda. Mareykanka ayaa ku eedeeyay Rwanda inay taageerto fallaagada, taas oo ay beenisay.

Hogaamiyaha M23 Bertrand Bisimwa ayaa Arbacadii sheegay in ka bixitaanka ay “socoto,” afhayeen u hadlay Willy Ngoma ayaa intaa ku daray in tani ay tahay “nabadda aawadood”.

Qoraal uu soo dhigay X, ayuu Bisimwa ku boorriyay dhexdhexaadiyaasha iyo saaxiibada caalamiga ah inay xaqiijiyaan in magaalada laga ilaaliyo “aargoosiga, rabshadaha iyo dib-u-celinta”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker