Mareykanka oo lagu eedeeyay in shaqaale sharci darro ah ka shaqaaleeyay xarunta dacwadaha qaxootiga ee Koonfur Afrika

Koonfur Afrika ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu u isticmaalay muwaadiniin Kenyan ah oo aan heysan warqado ogolaansho shaqo goob xarun ah oo ay ku diyaarinayeen codsiyo ay dad caddaan Koonfur Afrikaan ah ku soo dalbadeen aqoonsi qaxootinimo.

Toddobo Kenyan ah ayaa la xiray ka dib markii warbixino sirdoon ay ogaadeen in dad โ€œdhawaan Koonfur Afrika ku soo galayn fiisaha dalxiiska ay si sharci darro ah ugu shaqo tageen xaruntaโ€ ayaa lagu yiri war ka soo baxay waaxda arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika.

BBC-da ayaa la xiriirtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka si ay uga jawaabto.

Iyadoo Maraykanku uu isku dayayo in uu yareeyo heerka guud ee socdaalka, waxa uu sheegay in xubnaha bulshada Afrikaanka ee cadaanka ah ee Koonfur Afrika ay magangelyo heli karaan sababtoo ah waxay la kulmaan cadaadis โ€“ sheegashadaas oo dawladda Koonfur Afrika ay si adag u diiday.

Maraykanku waxa uu hoos u dhigay qaxootigii sannad wlaba uga imaan jiray adduunka ee ahaa 125,000 kaas oo uu ka dhigay ilaa 7,500, balse waxa uu sheegay in uu mudnaan siin doono Caddaanka Afrikaanka ah, kuwaas oo asal ahaan kasoo jeeda dalalka Holland iyo Faransiiska.

Arrintan ayaa ka mid ah arrimaha keenay khilaafka xooggan ee u dhexeeya Koonfur Afrika iyo maamulka Trump.

Koonfur Afrika ayaa sheegtay in muwaadiniinta Kenyanka ah ee lagu qabtay howlgalkii Talaadadii, dib loo tarxiili doono, lagana mamnuuci doono inay dalkeeda soo galaan muddo shan sano ah.

Horay ayaa loogu diiday fiisaha shaqada balse waxaa lagu helay โ€œ in ay ku mashquulsanaayeen shaqo in kastoo kaliya ay heystaan โ€‹โ€‹fiisaha dalxiiska, taas oo si cad u jebisay shuruudahooda gelitaanka dalkaโ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

Koonfur Afrika waxay sheegtay in dhacdadani muujinayo sida ay uga go’an tahay waddanka “Maraykanka in uu la dagaallamo socdaalka sharci-darrada ah iyo ku-xadgudubka fiisaha noocyadiisa kala duwan”, ayay tidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker