Dal Yurub ka tirsan oo mamnuucay in gabdhaha yaryar ee Muslimiinta ah ay xijaab ku aadaan iskuullada
Baarlamaanka dalka Austria ayaa u codeeyay ansixinta sharci mamnuucaya in gabdhaha ka yar afar iyo toban sano ay xiran karaan xijaabka dugsiyada. Xukuumadda isbahaysiga ee muxaafidka ah ayaa soo jeedisay mamnuucistan horraantii sanadkan, iyagoo ku doodaya in ay ka ilaalinayso gabdhaha dulmiga.
Xisbiga Green Party ee mucaaradka ah ayaa ka hor yimid sharciga, iyagoo sheegay inuu yahay mid ka hor imanaya dastuurka. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyay mamnuucista oo khuseysa dhammaan noocyada Xijaabka iyo indhashareerka haweenka Muslimiinta ah , iyagoo ku tilmaamay mid takooreya bulshada qaar.
Isku day hore oo sanadkii 2019 lagu doonayay in lagu soo rogo mamnuucid xijaabka dugsiyada hoose ayaa horey maxkamadda dastuuriga ah u diiday.




