Lix askari oo Israa’iil ah oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Suuriya
Israa’iil ayaa sheegtay in lix askari oo ka tirsan ciidamadooda ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay gudaha dalka Suuriya.
Saddex kamid ah askarta dhaawaca soo gaaray ayaa dhaawacodu aad u cylus yahay.
Wararka ka imanaya Suuriya ayaa sheegaya inuu dagaal ku dhex maray ciidamada Israa’iil iyo kooxo maxalli ah tuulada Beit Jen, oo ku taal dhinaca hoose ee Buurta Hermon ee koonfurta dalkaas.
IDF-ta Israa’iil ayaa sheegay, inay isku dayayeen inay xiraan xubno ka tirsan urur argagixiso oo Islaami ah.
Waxay sheegeen inay dileen dhowr nin oo hubaysan, ayna xireen dhammaan eedeysaneyaashii la doonayay.




